Filimka Baaghi 3 ayaa isniintiisii koowaad soo xareeyay 8.75 crore wuxuuna sameeyay 50% hoos u dhac ah markii lala barbardhigo ganacsigii uu sameeyay Jimcadiisii koowaad.

Filimkaan ayaa waxaa iska diideen gabi ahaanba dadka ku nool magaalooyinka waaweyn asigoona halkaas gaabis uga socdo balse wuxuu ku fiicanyahay magaalooyinka yar yar iyo tuulooyinka fog fog asigoona ganacsigiisa ugu badan halkaas ka sameynaayo.

Baaghi 3 haatan ma noqon doono Blockbuster ama Super Hit wuxuuna halgan u gali doonaa sidii uu Hit ku noqon lahaa waana haduu sifiican uga faa’ideysto fasaxa Holi kaasoo maanta iyo bari gobolada qaar ka jiraan.

Baaghi 3 in reer magaalka iska diideen ka sokow waxaa ganacsigiisa curyaamiyay halista Caabuqa Corona Virus kaasoo dadweynaha ka cabsi qabaan inuu kasoo gaaro goobaha la isugu yimaado iyagoona dad badan ay ka baaqsadeen tagista shineemooyinka tan iyo siduu uu cudurkaan India uga dilaacay arbacadii hore.

Hadaba halkaan hoose kaga bogo filimkaan iyo ganacsiga uu sameeyay mudo 4 maalmood ah.

Jimce; 17.50 crore.

Sabti; 15.50 crore.

Axad; 19.75 crore.

Isniin; 8.75 crore.

Wadarta guud; 61.50 crore.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here