Iska ilow taxanaha Hercai Mucize Doktor oo cagta mariyay dhamaan taxanayaasha turkida.

0
791

Taxanaha Mucize Doktor ayaa si awood ku dheehan ula wareegay TVyada turkiga xili uu noqday taxanaha no1 ee daawadayaasha xiiseeyaan.

Mucize Doktor (Dhaktarkii Mucjizada) oo sheekadiisa ku saabsan tahay wiil qabo cudurka kaliyowga isla markaasna aanan bulshada dhex gali Karin sidoo kalana doonayo inuu noqdo dhakhtar qaliin ayaa sheekadiisa aad looga wada helay waxaana layaab leh in Ratinga xalqadii ugu dambeysay ee xalqada 4aad habeen hore gaartay 15 Rtg.

Taxanaha oo laga sii daayo kanaalka Fox ayaa waxaa hogaamiye ka ah Taner Olmaz, Onur Tuna iyo Sinem Unsal waxaana habeenkasta oo jimce soo galeyso laga sii daayaa kanaalka Fox asigoona subaxii Youtubka lasoo dhigo.

Taxanaha Hercai ayaa sidaan oo kale sanadkaan bilowgiisa u qabsaday TVyada turkiga wuxuuna seasonkiisii 1aad oo ka koobnaa 12 xalqo ahaa mid aan caadi aheyn balse haatan waxaa no1 noqday taxanaha Mucize Doktor.

Hercai xalqooyinkiisii ugu dambeeyay xitaa waa gaari waayeen Ratinga dhakhtarkii mucjizada haafkiisa xitaa waana arin layaab leh balse Herca dhanka Youtube ayuu siweyn ugu gacan sareeyaa.

Hadaba akhristow adiga wali ma daawatay taxanaha Mucize Doktor??

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here