Iskaarshahaan (Sigisaan) Micheal Jackson hal hees ayuu ku qaaday maantana waxaa lagu iibsanayaa 2 Million Dolar. Daawo sawirada iskaarshahaas.

0
1196

Dhimashada Micheal Jackson waxaa laga joogaa mudo dheer balse wali hanta badan ayaa madaxiisa lagu sameynayaa maantana waxaa la iibin rabaa iskaarsho uu Micheal Jackson lahaan jiray.

Daarta lagu iibiyo waxyaabaha qadiimiga ee Gotta Have Rock and Roll ayaa isku diyaarineyso in maanta oo ay taariikhda tahay 13da bisha November ay iibiyaan iskaarshihii boqorka boobka ee Micheal Jackson taasoo uu ku qaaday mid kamid ah heesihiisa ugu caansan.

Ikaarshahaan oo uu Micheal Jackson u hibeeyay misna siiyay mid kamid ah maamulayaasha howlihiisa ayaa maanta lagu iibsan doonaa lacago waali ah asigoona beec furan lagu iibsan doono.

Beeca ayaa laga bilaabi doonaa 1 Million oo Dolar waxaana macquul ah inuu gaaro ilaa iyo 2 Million oo dolar hadaba halkaan ka arag sawirada iskaarshahaan oo noqon doonaan kuwii ugu qaalisanaa abid;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here