Akhristayaal badan ayaa naga codsadeen inaan wax ka qorno iskoorada u diiwaan gashan abaal marinada Filimfare guuleystayaasha iyo tartamayaashaba waxaana maalin walba qeyb ka qori doonnaa iskooradan anagoo maanta ka bilaaweyno qeybta Filimka abaal marinada ugu badan halmar kuwada guuleystay.

Sidaan wada ognahay Filimka Gully Boy ayaa abaal marinadii ugu badnaayen Filimfare aruursaday sanadkaan qeybo badan ayuuna ku guuleystay sida Best Actor, Best Filim Best Actress iyo kuwa kale oo badan wadarta abaal marinada Gully Boy lagu qaatay waa 13-abaal marin.

Hadaba aan isla eegno taariikh ahaan Filimada sida Gully Boy oo kale halmar lagu wada qaatay abaal marinada sanadkaas ugu badan ee Filimfare:

2020: Gully Boy-13 abaal marin oo qeybo badan isugu jiraan.

2006: Black-11 abaal marin oo qeybo badan isugu jiraan ayaa lagu qaatay.

1996: DDLJ-10 abaal marin ayaa lagu qaatay oo qeybo badan isugu jiraan.

2003: Devdas-10 abaal marin ayaa lagu qaatay oo qeybo badan isugu jiraan.

Madhumati (1958), 1942: Love Story (1995), Kaho Na Pyaar Hai (2001), Omkara (2007), Bajirao Mastani (2016) dhamaan filimadan min 9 abaal marin ayaa lagu qaatay oo qeybo badan kala ah.

Qeybo badan kala ah markaan leenahay waxaan ula jeedna tusaale Filimak ugu fiican, atooraha ugu fiican, atiriishada ugu fiican dhamaan abaak marinadaas ayaa lagu wada qaatay ayaa laga wadaa halkii Filimba marka Gully Boy ayaa la wareegay iskoorkan waxuuna kala wareegay Black oo 11 abaal marin heystay balse Gully Boy ayaa 13 abaal marin sanadkaan lagu qaatay waana iskoor cusub uudhigay.

F.G: sanadaha qoran ma ahan sanadihii aflaamtaas la daawaday ee waa sanadihii xaflada Filimfare kaqabtay misane aflaamtaas la abaaal mariyay.

Lasoco qeybta xigta utartamayaasha tirada ugu badan u tartameen hal sano gudaheed…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here