Home » Box Office » Iskoorada TOH wey iska soo daba dhacayaan markaana Rajasthan iyo Mysore ayuu iskoor ka dhigay

Iskoorada TOH wey iska soo daba dhacayaan markaana Rajasthan iyo Mysore ayuu iskoor ka dhigay

Wax kale diirada maba saari karno oo aan ahayn filimka ugu weyn Hindiya Thugs Of Hindostan oo shalay sameeyay ganacsi taariikhi ah oo si hordhac ah loogu sheegay inuu yahay filimka ugu horeeyay ee 50 Crore maalintiisa kowaad soo xareeyo.

Haddaba shabakada Boxoffice India (BOI) waxay saacad saacad usoo daabaceysaa filimka TOH gobol walbo iskoorada uu ka sameeyay markaana gobolada Rajasthan iyo Mysore ayuu iskooro cusub oo aan horey looga arag maalintii shalay ahayd ka sameeyay filimkan.

Filimka TOH wuxuu Rajasthan ka keenay 2.91 Crore waa All Time Record bilaabasho middii ugu sareesay maalinta kowaad filim ka sameeyo wuxuuna wax yar seegay inuu 3 Crore darajo ahaan gobolkaan ka bilaabo.

Fadlan hoos kaga bogo 5-filim ee gobolka Rajasthan lacagaha ugu badan kasoo xareeyeen maalinta kowaad kuna diiwaan gashan keenta shabakada BOI:

1. Thugs Of Hindostan – 2.91 Crore

2. Prem Ratan Dhan Payo – 2.52 Crore

3. Bahubali – The Conclusion – 2.36 Crore

4. Tiger Zinda Hai – 2.12 Crore

5. Singham Returns – 2.10 Crore

Sidoo kale TOH wuxuu Mysore ka keenay 2.88 Crore madaama Aamir Khan gobolkan ku xoogan yahay waxay ahayd inu 3 Crore keeno balse waxyar ayuu ka gaabiyay.

Fadlan hoos kaga bogo 5-filim ee gobolka Mysore lacagaha ugu badan maalinta kowaad kasoo xareeyeen soona daabacay shabakada BOI:

1. Thugs Of Hindostan – 2.88 Crore

2. Dangal – 2.19 Crore

3. Happy New Year – 2.05 Crore

4. Sultan – 1.95 Crore

5. PK – 1.89 Crore

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *