Home » Nolosha Jilaayaasha » Isku Bar Bar Dhig Lagu Sameeyay Labada Goos Goos Filmka Zero Midkee Wanaagsan (+Video)

Isku Bar Bar Dhig Lagu Sameeyay Labada Goos Goos Filmka Zero Midkee Wanaagsan (+Video)

Zero waa mid kamid ah filmada ugu xiisaha badan sanadkaan sida weyn loo wada sugaayo waxaana hogaamiye ka ah King Khan Shah Rukh Khan halka Katrina Kaif iyo Anushka Sharma atirishooyin ka yihiin.

SRK filmka waxuu ku jilii Ciliin ama nin gaaban sido kale Katrina dhankeeda waxay mataleysa gabar qamriga saaxiib ah la ah halka Anushka gabar cilmiga sayniska ku taqasustay ku jileyso waxaana la daawana 21 Dec 2018.

Sidaan horey idiin kula wadaagnayba waxaa lasoo bandhigay maanta goos gooska kooban ee filmka Zero waana goos gooski labaad ee laga soo bandhigo ayadoo bilawgii sanadkaan lasoo bandhigay goos gooskisa kowaad.

Hadaba goos gooskan kooban ayaa Internet-ka durba ku faafay qofwalbana la falgaayo doonayana inuu daawado shaashada wadaaga SRK iyo Salman Khan, sidaa awged isku bar bardhig ayaan ku sameyneynaa Filimside ahaan midka saameen badan ama akhristayaashena aadka u xiiseyeen labadaan goos goos.

Hadii aadan daawanin labada goos goos halkaan hoose ka daawo kadibna nala wadaag midkii aad ka heshay ma midkii horaa mise midka cusub…..

3 Responses to Isku Bar Bar Dhig Lagu Sameeyay Labada Goos Goos Filmka Zero Midkee Wanaagsan (+Video)

  1. Ahmed Akhyaar

    June 14, 2018 at 3:55 pm

    kii maanta la soo bandhigay

  2. Hanna cabdi fiidow

    June 14, 2018 at 7:40 pm

    Mid Ka Salman Ka Ku Jira yaaa mid shidan ah kaas ayaan ka helay

  3. Mohamed

    June 15, 2018 at 3:02 am

    Midka srk iyo sk aaa kuleh