Waxaa maanta siweyn Bollywood-ka looga hadal hayaa sedex filim oo waa weyn inay isku dhici doonaan Diwali 2020 ama dabyaaqada sanadkan gaar ahaan bisha November waxaana tiyaatarada ku hardami doonaan filimada Radhe vs Sooryavanshi vs Coolie No. 1.

Akshay Kumar filimkiisa Sooryavanshi waxaa la daawan lahaa 24 Maarso 2020 balse bandowga Hindiya ka dhacay iyo dhibaatada Coronavirus ayaa sababtay in mashruucan dib loo dhigo haatana xaalada marka ay caadi kusoo laabato ayaa la daawan doonaa waxayna Director Rohit Shetty iyo Karan Johar isla af garteen in Diwali 2020 la daawado madaama Kumar filimkiisii Prithviraj ee Diwali la daawan lahaa hubanti ahaan sanadka dambe u dhici doono waxaana u harsan shaqo badan.

Dhinaca kale Salman Khan Ciidul Fitrigan ama 22-ka bishan May ayuu rabay filimkiisa Radhe inuu masraxa ku qabsado balse nasiib daro dhibaatada caalamka ka dhacday awgeed dib ayaa loo dhigay filimkan wuxuuna Sallu uu filimkan soo saare ka ah rabaa in Diwali 2020 feestada ugu weyn Hindiya mashruuciisa tiyaatarada la saaro.

Sidoo kale Varun Dhawan filimkiisa Coolie No. 1 isagana 1-dii bishan May ayaa la daawan lahaa dib u dhac ayaa ku yimid haatana David Dhawan oo Director ka ah filimkan isaga iyo wiilkiisa waxay isla qaateen in mashruucooda Diwali 2020 la daawado.

Dadka arimaha ganacsiga aflaanta ka faaloodaan waxay leeyihiin wax kasto waa suurta gal inay dhacaan mar haddii xaalada caadi kusoo laabato waayo filimo badan ayaa waqtigooda ka baaqdeen la yaabna ma noqon doonto haddii xiliyada fasaxyada waa weyn jiraan labo filim ama sedex filim waa weyn isku dhacaan madaama daawadayaasha u ooman yihiin inay masraxa filim weyn ka daawadaan haddii filim walbo fariintiisa wacan tahay ganacsi weyn ayuu sameyn karaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here