Sheeko cusub oo xiiso badan ayaa la hadal hayaa oo ku aadan in hubanti tahay Ciidul Fitrigan ama 22 May 2020 Salman Khan iyo Akshay Kumar tiyaatarada ku hardami doonaan haatana isku dhacan waji cusub ayuu yeelan rabaa madaama Kumar go’aan ka tahay in Sallu ciidul fitrigan kaligiis tiyaatarada Hindiya ku raaxeesanin!

Waxaan horey u wada ogeyn in Akshay Kumar filimkiisa Laxmi Bomb iyo midka Salman Khan wato Radhe Eid 2020 isku dhici lahaayeen balse arinkaan shaki badan la galiyay madaama Akki filimkiisa kale Sooryavanshi ee la daawan lahaa 24-ka bishan Maarso dib loo dhigay saameynta Coronavirus awgeed.

Waxaana la isla dhex maraayay in filimka Sooryavanshi bisha April gudaheeda la daawan doono kadibna macquul ahayn hal bil kadib Akshay filimkiisa kale Laxmi Bomb 22-ka May masraxa ku qabsado Salman sidaa darteed u badan tahay in ciidul fitrigan Salman Khan kaligiis masraxa qabsan doono waayo xitaa filimkii Hollywood-ka ahaa Fast & Furious oo ciidul fitrigan la daawan lahaa waa la baajiyay oo sanadka dambe 2 April 2021 ayaa la geeyay.

Sheekada halkaas markeey mareyso arin cusub ayaa soo baxday oo ah in Akshay Kumar filimkiisa Sooryavanshi ciidul fitriga la daawan doono dib lo dhigay oo lixda bilood dambe sanadkan la daawan doono wuxuuna Akshay rabaa kor iyo hoos ciidul fitrigan in Salman Khan goobta kali ku noqonin sidaa darteed dagaalka cusub wuxuu dhex mari doonaa Sooryavanshi vs Radhe.

Qorshahan cusub Akshay Kumar waxaa garab ku siinayo soo saaraha filimka Sooryavanshi Karan Johar oo si dadban dagaal kula jiro sidoo kalena diyaar u ah in ciidul fitrigan meel saaro Sallu inkastoo Director Rohit Shetty oo filimka Sooryavanshi agaasimay dagaalkan rabin madaama uu rabo filimkiisa waqti firaaqo ah la daawado balse waxaa ka awood badiyeen Akshay iyo Karan oo dagaalka Salman Khan u bax baxsanayaan sida haatan xogaha sirta ah lagu helay, marka aan wada sugno xiliga sheekadan sida rasmiga ah loogu dhawaaqi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here