Taxanaha Baaghi waa mid Tiger Shroff aqoonsi lixaad leh ku helay awoodiisa dhanka fankana sare ugu qaaday haatana waxaa masraxa u saaran Baaghi 3 oo guuleestay kuna socdo sidii uu HIT ku noqon lahaa ayadoo Hindiya cabsi xoogan ka jirto inuu ku faafo Coronavirus-ka inta badana dadka magaalooyinka hormarsan ku nool tiyaatarada soo aadeen.

Haddaba Director Ahmed Khan oo agaasimay Baaghi 2 iyo Baaghi 3 wuxuu shaaca ka qaaday in Baaghi 4 diyaarintiisa u bilaabay sheeko ahaan kuna faraxsan yahay taxanahan qaybtiisa ugu dambeesay guusha wacan uu gaaray sidoo kale filim sameeyahan wuxuu xusay in Tiger Shroff hogaamiye ka noqon doono sidoo kalena qaybta 4-aad Action ahaan, miisaaniyaad ahaan iyo diyaarin ahaan noqon doonto mida ugu weyn taxanahan hirgalay.

Sidoo kale Ahmed Khan wuxuu sheegay inuu dhawaan kulan la qaadan doono soo saare Sajid Nadiadwala si ay meel iskula dhigaan miisaaniyada Baaghi 4 u baahan yahay, goobaha lagu duubayo iyo fariinta qaybta 4-aad habka loo dhigo intaas marka la dajiyay kadib ay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaan sameynta Baaghi 4 balse Ahmed Khan wuxuu ku kalsoon yahay in mashruucan qaybtiisa afaraad diyaar noqon karto labo sano kadib ama 2022 masraxyada caalamka laga daawan karo waa haddii dib u dhac ku imaanin sida uu haatan wax u qorsheenayo.

Tiger Shroff, Ahmed Khan iyo Sajid Nadiadwala wada shaqeyntooda quruxda badan wey sii wadi doonaan madaama bartamaha sanadkan duubis ku bilaabi doonaan filimka Herpanti 2 sidoo kalena la qorsheenayo in la daawado 16 July 2021. Markaas kadib ayay u badan tahay in Baaghi 4 laga hawl gali doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here