Waxaa shaaca laga qaaday in haatan la duubayo dhamaadka ama uultimada filimka weyn KGF Chapter II waxaana la sheegay in Superstar Sanjay Dutt iyo Rocking Star Yash waxba isku reeban doonin dhamaadka filimkan dagaal aad u culusna dhex mari doono oo gacan ka hadal u badan.

Kooxda filimka KGF Chapter II waxay soo kireesteen quburo caalami ah oo dhanka Hollywood-ka ka tirsans si ay dagaalka Dutt iyo Yash u diyaariyaan waxaana la siiyay tababar adag waxaana la sheegay in xabadka banaanka soo dhigan doonaan sidoo kalena gacan, lug iyo awood walbo isku adeegsan doonaan ayadoo la sheegay ugu yaraan 15 daqiiqo inuu qaadan doono dagaalka labadan ku kala bixi doonaan dhamaadka filimkan weyn.

Rocking Star Yash waa 34-jir wuxuuna la yaabay sida uu Sanju Baba u dhisan yahay jir ahaan asigoo 60-jir ah madaama si adag u dagaalami doonaan waxaana filimkan door adag ku leh Raveena Tandon qorshahana wuxuuna yahay in la daawado bisha April ee sanadkan inta lagu guda jiro balse weli waqti rasmi ah looma yeelin daawashadiisa.

Sanjay Dutt ayaa ku matali doono door awood badan filimka KGF Chapter II oo lagu magacaabo Adheera wuxuuna u socdaa inuu ka aar guto Rocky Bhai waa Yash oo filimkan dhamaadkiisa dilaayo laadarkii awooda badnaa balse wuxuu la dhashay Sanjay Dutt oo markaan rabo dhulkii dahabka laga qodo ee walaalkiis boqortooyadiisa lagala wareegay inuu dib usoo ceshto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here