Hadal heynta ugu weyn Bollywood-ka subaxan waxaa heesto xidiga laga daba dhacay Tiger Shroff oo filimkiisa weyn Baaghi 3 maanta goos goos dhameestiran laga soo bandhigaayo waana mid ka mid ah aflaanta ugu weyn sanadkan 2020 Bollywood-ka la imaanayaan.

Haddaba Baaghi 3 soo bandhigada goos gooskiisa ama boorsamiindadiisa waxba nagama xigto oo waxaa lasoo bandhigi doonaa 11:00 am xiliga Hindiya ama 8:30 am xiliga geeska Afrika waxaana lagu soo bandhigaa xaflad ka dhaceyo magaalada Mumbai oo jilaayaasha filimkan soo xaadiri doonaan.

Ahmed Khan oo Director ka ah Baaghi 3 wuxuu warbaahinta u sheegay in Tiger Shroff filimkan kusoo bandhigi doono Action-mo ama ficilo halis ah oo horey isugu dayin atoore Bollywood-ka ka tirsan sidoo kalena filimkan xiisaha badan waxaa doorar muhiim ah ku leh Shraddha Kapoor, Riteish Deshmukh, Jackie Shroff iyo jilaayaal kale.

Sajid Nadiadwala ayaa soo saare ka ah Baaghi 3 waxaana la daawan doonaa 6 Maarso 2020 waxaana saameyn badan abuurtay kaartada subaxan laga soo bandhigay filimkan ee Action-ka ah ee sare idin kaga muuqato waxaan sugnaaba waa goos gooska Baaghi 3 iyo wacdaraha uu Internet-ka ama barta Youtube-ka ka dhiga dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here