Filimka la wada sugaayo ee jaceylka sedex geesoodka ah Pati Patni Aur Woh ayaa si rasmi ah goos gooskiisa ama boorsamiindadiisa maalinta berito loo soo bandhi doonaa waxaana mashruucan qorsheesan in la daawado 6 Dec 2019 waxayna isku dhici doonaan filimka weyn Panipat ee Sanjay Dutt, Arjun Kapoor iyo Kriti Sanon hogaamiyaal ka yihiin.

Filimka Pati Patni Aur Woh waxaa hogaamiyaal ka ah sedexda dhalinyarada ah ee aan kala dhicin Kartik Aaryan, Bhumi Pednekar iyo Ananya Panday waxaana aad looga helay kaartada ama aragtida cusub ee maanta laga soo bandhigay waxayna soo koobeysaa fahanka fariinta filmkan oo ah Kartik asigoo heesto Bhumi rabo inuu gacanta kusoo Ananya.

Filimkan waa mid dib loo sameenayo waayo asigoo isla magacan wato Pati Patni Aur Woh waxaa sanadii 1978 wada jileen Sanjeev Kumar, Vidya Sinha iyo Ranjeeta Kaur xiligaasna HIT weyn ayuu noqday waxaana laga helay qaabka fariintiisa loo dhigay sidaa darteed ku dhawaad 41-sano kadib ayaa fariinta filimkan dib loo soo celiyay ayadoo la casriyeeyay.

Filimka Pati Patni Aur Woh waxaa Director ka ah Mudassar Aziz waxaan sugnaaba waa goos gooska xiisaha badan laga soo bandhigi doono iyo is fahanka ay shaashada ka muujin doonaan sedexda dhalinyarada ah ee aan kala dhicin Kartik Aaryan, Bhumi Pednekar iyo Ananya Panday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here