Hadal heynta Hollywood-ka waxaa heesto filimka F9: The Fast Saga oo shaaca laga qaaday xiliga goos gooskiisa hawada lagu soo fasaxaayo dabcan waana taxana Fast & Furious qaybtiisa 9-aad waxaana mashruucan cusub Director ka ah Justin Lin halka Daniel Casey uu sheekada qoray.

Haddaba waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday in goos gooska F9: The Fast Saga lasoo bandhigi doono Jimcadan ama 31 Janaayo 2020 weliba goos goos dheeli tiran oo Action-kii iyo baabuurtii xawaaraha ku socdeen taxanahan lagu soo bandhigi doono.

Sida caadiga ahayd F9: The Fast Saga waxaa hogaamiye ka ah Vis Diesel oo soo saarayaasha filimkan ka mid ah sidoo kalena mashruucan gudaha Mareekanka waxaa laga daawan doonaa 22 May 2020 ama xagaagan ayaa la daawan doono.

Vin Diesel ayaa muuqaal kooban ama Teaser kasoo bandhigay filimka F9: The Fast Saga waxaana lagu muujiyay xiliga goos gooska filimkan lasoo bandhigaayo iyo magaca Logo-da mashruucan weyn sida muuqaalka hoose aad ka arki kartiin:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here