Superstar Ajay Devgn ayaa si rasmi ah saxaafada ula wadaagay in filimkiisa taxanaha hirgala Singham 3 shaqadiisa socoto sidoo kalena dhawaan uu saxaafada la wadaagi doono xiliga filimkan laga hawl gali doono madaama Devgn uu doonayo awoodiisa halkii ugu sareesay inuu gaarsiiyo sidoo kalena aflaan waa weyn iska daba sameeyo.

Ajay Devgn oo xayeysiin u sameenayo filimkiisa weyn Tanhaji ee Jimcadan tiyaatarada la saari doono wuxuu yiri “Singham 3 sheekadiisa qoraal ayaa ku socoto waxaan ula jeedaa shaqadiisa wey bilaabatay dhawaan ayuu Director Rohit Shetty ila wadaagay nuqul ka mid ah sheekada mashruucan waana ka helay waxaana dhahay si dhaqsi ah u dhameestir qorista sheekada waayo waxaan u xiisay amba qaadista doorkeygii Singham.”

Ajay Devgn iyo Director Rohit Shetty waxay Hindiya ku qabsadeen Singham iyo Singham Returns oo labaduba Big Hits noqdeen sidoo kalena aad loo jecel yahay fariintooda askari haatana Singham 3 ayay la imaan doonaan waxaana ugu dambeesay taxanahan qaybtiisii labaad in la daawado sanadii 2014 sidaa darteed Ajay wuxuu yiri “Waa waqti fog in 6-sano kasoo wareegatay Singham Returns sidaa darteed waan ka daahnay in daawadayaasha aan Singham 3 la wadaagno balse dhawaan aqbaar farxad leh ayaad heli doontaan.”

Ajay Devgn iyo Director Rohit Shetty sidoo kale waxay ku hawlan yihiin sameynta Golmaal 5 taasi oo ka dhigan inay rabaan labadan awooda badan in 2021 ama sanadka dambe Singham 3 ama Golmaal 5 midkood lasoo shirtagaan oo ay Hindiya ku qabsadaan.

Haddaba aqriste Singham 3 iyo Golmaal 5 midkee jeclaan laheyd in daawashadiisa lasoo hormariyo madaama ay yihiin labo taxane oo dunida caan ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here