Superstar Ajay Devgn ayaa aad oga naxay labo maalin isku xigta geerida kutimid labo halyeey kala ah Irrfan Khan iyo Rishi Kapoor kuwaaso magac iyo maqaam ku lahaayen fanka hindiya dhaxal weyna dadka oga tageen marwalbana shaqadooda quruxda badneed ayaa lagu xasuusan doonaa.

Ajay hadalkii tacsida ee uu baraha bulshada kusoo qoray dad ayaa u arkay in cunsurnimo tahay maadama uu sidaas u muuqday waliba hadalkiisa qeybta hore ayaa la duray mar uu ka tacsiyoonayey geerida Rishi Kapoor.

“Shalay dhibkii na gaaray waxaa ka daran midka maanta na gaaray Wadnaha in mindi la iga galiyay ayaa la moodaa markaan maqlay geerida Rishi Kapoor” hadalkaan dadka dhowr nooc ayee u turjumeen waxaana kamid ah micnaha kasoo baxaya sidan.

1-In Irrfan shalay naga geeriyooday maantana Rishi ayaa naga geeriyooday dhibkii ayaa dhibkale ku darsamay saasna uu ula jeeday hadalkiisa.

2-inuu ka waday Irrfan ayaa shalay naga tagay balse maanta waxaa naga tagay Rishi oo Irrfan ka maqaam sareeyay boos ka weyna akteena ka joogay.

3-inuu ula jeeday shalay Irrfan ayaa naga geeriyooday (oo muslim ah) balse maanta waxaa naga tagay Rishi (oo walaalken Hindu isla nahay ah) marka dhibkii shalay kan maanta nooga daran.

Seddexdaas micno waa mid yeelan karo hadalka Ajay labada kore wax dhiba maleh waana sax haduu saa ula jeeday balse midka hoose waa cunsurnimo weyn uu Ajay dadka Muslimka kula kacay dadka qaar ayaana ku tilmaameen in hadalkiisa sidaas micno ahaan noqonaayo adigase akhriste maxay kula tahay.

4 COMMENTS

  1. Hadalkan marba waa sidaa ka dhigato uma malaynayo inuu muslim nacayb iyo cunsurinimo midnaba uu ku kacay naxdin naxdin kale kaaga danbaysey xitaa way noqon karta aqoonta aad labada shakhsi ukala layhayd xitaa way noqon karta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here