Iyadoo nool ayuu guur ka diiday kadibna meydkeeda ayuu guursaday. Dhacdo layaab leh. sawiro.

0
764

Nin u dhashay wadanka Thailand ayaa guursaday meydka saaxiibtiis ay wada socdeen mudo 10 sano ah kahor inta aysan dhiman.

Ninkaan iyo gabadha oo saaxiibo ahaa xiriirna ka dhaxeeyay mudo 10 sano ay ayaa waxaa dhacday in gabadha ninka ka dalbatay inuu guursado balse uu ku gacan seyray guurkaas kana hor yimid balse arin lama filaan ayaa dhacday.

Gabadhii ayaa geeriyootay balse wiilkii markuu geerideeda ogaaday ayuu shook iyo naxdin ka qaaday wuxuuna aad uga shalaayay inuusan codsigeedii fulinin intii ay nooleyd kaasoo ahaa inuu guursado.

Ninkii ayaa kadib gabadhii guursaday kahor intaan la aasin wuxuuna u galiyay faraantigii meydkeeda.

Guurkaan inkastoo arin jaahili ah yahay hadana waxaa lagu tiriyaa noocyadii ugu yaabka badnaa waana qiso waaqici ah oo dhacday Janaayo 2012dii.

halkaan hoose ka daawo sawirada;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here