Shabakada Box-office India (BOI) wali ma aysan soo daawicin darajooyika ama kaalmaha Star Power-ka atiriishooyinka sanadlaha ahaa gaar July ayaa la filaayey inee sheegto balse hader hindiya ayaaba kala xir xiran saameeynta Karona ayaana wali jiro.

Seddex bil kasta is bedel ayaa kudhacaayey darajooyinka Star Power-ka jilayaasha hadaba markii u dambeysay xaalka siduu ahaa iyo seddexda atiriisho hogaanka fanka hindiya hayeen hoos kaga bogo sharaxaad kooban.

Bishii December awoodaha atiriishooyinka darajooyinka ay kala joogeyn waxay ahaayen Alia Bhatt oo kaalinta kowaad kujirtay iyada ayaana ugu awood badan dhanka atiriishooyinka waqtigaan waxaana kusoo xigtay Deepika Padukone oo kaalinta labaad kujirtay halka kaalinta seddexaad kujirtay Kareena Kapoor oo soo rogaal celisay sarena usoo kacday.

Balse Janaayo mar ay ka hadlayeen inee Kareena Kapoor Superstar noqotay waxay tilmaameen in Bebo kaalinta labaad uso dalici doonto misane noqon doonto atiriishada labaad ugu awooda badan halka Deepika kaalinta 3-aad u dhici doonto hal shuruud ayeese ku xireen oo ah hadii Kareena filimkeeda Good Newwz guul wacan gaaro Deepika-na uu ka fashilmo Chhapaak.

Hadaba suaasha waxay tahay Good Newwz guul wacan ma gaaray jawaabta waa haa waliba Super-hit ayuu noqday sido kalena Deepika filimkeeda Chhapaak fashil weyn ayaa kudhacay wuuna guul dareestay sidaa aawged Kareena booska labaad ayee usoo dalacday balse awood ahaan wali Deepika isma hor dhigi karto.

Alia Bhatt oo halis kujirto booska kowaadna Kareena ayaa u socoto:

Xasarada taagan iyo sida Alia Bhatt loogu kacsan yahay marka la fiiriyo waxaa halis kujira booskeeda kowaad sababto ah markii tiyaatarada la furo waxaa macquul ah dadka inee yareyaan daawashada aflaamta Bhatt midaasna hoos udhac ayee u keeni kartaa fursada Bebo heysato ayaana ah in December la imaan doonto filimka Laal Singh Chadda ee ay Aamir Khan la hogaamineyso Big Blockbuster haduu noqdana wax walba wey is bedeli karaan.

Deepika iyadana fursad ayee heysataa ay booskeeda labaad iyo midka kowaadba kusoo ceshan karto waa hadii ay loolan adag la gasho Kareena iyo Alia aflaam heer sare ahna la timaado sanadkaan iyo midka xigo walo sanadkaan dhamaadkiisa usoo bixi doono 83 oo ay seygeeda Ranveer la jileyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here