War naxdin ku ah Akshay Kumar iyo taageerayaashiisa ayaa la helay oo sheegaya in mashruuca Laxmmi Bomb xatooyo lagu sameeyay misane Internet-ka lagu faafiyay ma ahan markii ugu horeysay filim xatooyo lagu sameeyo balse markaan jabka waa ka weyn yahay kuwii hore.

Sababtoo ah awal aflaamta tiyaatarka la saarayay ayaa xatooyo kuwa qaar lagu sameeyn jiray balse hader Laxmmi Bomb tiyaatar lama saarayo e Online ayaa lagu daawanayaa bal kawaran hadii inta la xado si Onlina ah waqtigii loogu talo galay kahor si free ah la isaga daawado dhibkeeda ayee leedahay.

Sikastee ahaataba Kumar ma rajo dhigin waxaana filimkaan laga daawan doonaa shabakada Disney+Hotstar oo iyadu xuquuqda mashruuca iibsatay sido kalena 9-November ayaa la daawan doonaa.

Waxaa kaloo xusid mudan in tiyaatarada caalamka qaar kamid ah laaga daawan doono sida Australia, New Zealand, UAE, U.S.A iyo kuwa kale waxaa kumar la hogaamineyso atiriishada Kiara Advani waana filim cabsi iyo shactiro isku dhex jirto ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here