Alia bhatt iyo Ranbir kapoor waa lamaanayaasha ugu caansan xiligan bollywoodka sidoo kale waxaa ay ka mid yihiin aktarada dhalinta kuwooda ugu awoodda badan xiligan

labada aktar ayaa waxaa mar walba warka ka qoraan saxaafada dalka india inkastoo labadooda aysan saxaafad ka hor qiranin inuu xariir jaceyl dhaxeeyo laakiin wax walba waa ay muuqdaan

atariishada Alia bhatt oo dhawan waxa ay ka qayb gashay bandhig faneed ayaa waxa ay ku sheegtay hadal cajiib ah atariishadan waxa ay qaybka tahay filimka Brahmastara kaaso uu la wado aktarka lagu xanto ee Ranbir kapoor

Alia bhatt ayaa sheegtay inay dhawr jeer ay hilmaamtay hadaladii ay ku hadli lahayd filimkaas maadaama ay alia ay sheegtay inay la yaabtay hab jiliin iyo tayadaa aktar ee ranbir kapoor

sidoo kale Alia bhatt waxa sheegtay in ranbir kapoor uu leeyahay daacadnimo iyo indho soo jiidasho leh kuwaaso ku diidaya inaad meel kale eegto alia bhatt kaliya waxaa u dhiman inay iska qirato jaceylka iyada iyo ranbir maadaama ay mar walba ay saxaafada horteeda ku amaanto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here