Jaceyl mise wax kale? Sabriina Dhowre oo iyadana laga helay Corona Virus.

0
555

Gabadha soomaaliyeed balse u dhaxdo jilaaga caanka ah ee Idris Elba Sabriina Dhowre ayaa sheegtay in laga helay Corona Virus kadib markii ninkeeda asna 6 maalin kahor laha helay.

Sabriina ninkeeda Idris ayaa maalintii isniitii lasoo dhaafay aheyd sheegay in uu ku dhacay caabuqa Corona Virus balse waxaa layaab laheyd in ay ag fadhisay xaaskiisa Sabriina oo ayadana caafimaad qabtay arintaasoo dad badan ka hadleen waxayna leeyihiin waxay aheyd in ka fogaato ninkeeda.

Balse Sabriina ayaa diiday arinkaas ayadoona go”aansatay in ninkeeda garab siiso waxkastana la wadaagto balse ugu dambeyn ayadana wuu ku dhacay.

Haatan Sabrina xaaladeeda way wanaagsantahay ayadona ninkeeda guriga la joogto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here