Jilayaasha Bollywoodka waa wax caado u ah in xiliyada duubista filimadooda socoto ay jaceyl matalaan qaarkoodna siweyn isugu soo dhawaadaan iskana helaan.

Mararka qaar isu soo dhawaanshaha wuxuu dhex mari karaa atoore iyo atariisho xaas ah ama xiriir leh taasoo sababta in xaaskii atooraha ama jaceylkiisa dagaal weyn u gasho sidii ay ninkeeda u ilaashan laheyd.

Xiriirada sadax geesoodka waa kuwa xiiso leh saxaafadana siweyn wax uga qoraan badankoodana sadaxdaas qof midkood ayaa khasaaro hadaba waxaan halkaan idiin kuugu soo bandhigi doonaa xiriiradii ugu caansanaa ee sadax geesoodka ahaa kuwaasoo Bollywoodka soo mareen.

1-Rekha v Amitabh Bachchan v Jaya Bhaduri;

Sheekada jaceylka Amitabh Bachchan iyo Rekha waxay bilaabatay xiligii uu socday duubista filimka Do Anjaane mana sii joogsan oo Amitabh iyo Rekha filimo kale oo badan ayay isla jileen xiriir hoosana wey lahaayeen ayagoona siweyn isku jeclaaday inkastoo Amitabh uu markaas ahaa ninka qabay Jaya Bhaduri hadana xiriirkiisa Rekha ayuu sii watay.

Arinta waxay kasii dartay markii saxaafada qortay in Amitabh iyo Rekha si qarsoodi isku guursadeen una aqal galeen waxayna cadeyn ahaan usoo qaateen sawiro laga soo qabtay Rekha xili ay ka qeyb galeysay arooskii Rishi Kapoor iyo Neetu Singh waxayna u labisneyd sidii naagaha hindooska la qabo u labistaan taasoona hadal heyn iyo muran xoogan abuurtay.

Jaya Bhaduri wey ogeyd xiriirka ninkeeda la leeyahay Rekha balse waxay go’aansatay iney aamus ku wajahdo.

Si kastoo ay ahaataba Amitabh iyo Rekha ugu dambeyn waxay garwaaqsadeen in xiriirkooda wax mustaqbal laheyn ayadoo Amitabh uu xaaskiisa Jaya Bhaduri xajistay misna ku faro adaygay.

2-Katrina Kaif v Ranbir Kapoor v Deepika Padukone;

Ranbir iyo Deepika ayaa bilowgii waayahooda fanka siweyn isugu soo dhawaaday waxaana dhex maray jaceyl iyo isku soo dhawaansho aad u weyn gaar ahaan Deepika oo siweyn u jeclaatay Ranbir daacadna u aheyd.

Balse xiriirkii lamaanahaan ayaa xumaaday kadib markii ay mudo 2 sano wada socdeen waxaana la sheegaa in sababta aheyd kadib markii Deepika ogaatay in Ranbir Kapoor khiyaanay misna ka raacay Katrina Kaif.

Ranbir Kapoor gadaal ayuu ka qirtay inuu Deepika la khitaanay Katrina Kaif.

Sidoo kale Ranbir mar ayuu jaceyl sadax geesood la sameeyay sonam Kapoor asigoona isla waqtigaas xiriir la lahaa Deepika balse heerka uu la gaaray Katrina lama uusan gaarin Sonam.

Ranbir ayaa gabi ahaanba xiriirka u jaray Deepika asigoona u go’ay Katrina Kaif waxayna wada socdeen asiga iyo Katrina ku dhawaad mudo 6 sano ah ayagoona ugu dambeyn kala hareen.

Xiriirkaan sadax geesoodka ahaa mid guuleystay ma jiro Ranbir haatan wuxuu la socdaa Alia, Deepika waxay u dhaxdaa Ranveer Singh halka Katrina kaif lagu xanto Vicky.

La soco qeybta 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here