Atooraha reer Telugu Pradeep Machiraju caana ku ah inuu TV-yada ka qabto barnaamijyo Show ah oo aad loo jecel yahay ayaa arimo xasaasi ah ka hadlay oo Koonfur Hindiya siweyn looga hadal haayo.

Pradeep Machiraju haatan wuxuu soo gaba gabeeyay duubista filimkiisa 30 Rojullo Preminchadam Ela wuxuuna ku kalsoon yahay xagaaga nagu soo fool leh filimkiisa xiisaha badan in la daawan doono balse Pradeed arimo kale oo qalbigiisa ka guuxayo ayuu ka hadlay madaama TV-yada laga jecel yahay wuxuuna sheegay jaceylkiisii hore weli uusan hilmaamin.

Pradeep oo ka qayb galay barnaamijka Alitho Saradaga ayaa la weydiiyay qofka ugu horeeyay ee uu jeclaaday wuxuuna dhahay “Waa Sonali Bendre” atirishada Bollywood-ka ka tirsan ee 90-maadkii la weydiiyay kadib markii la wada aamusay ayuu hadalka sii watay wuxuuna yiri “Sonali shaashadan ayaa ku jeclaa balse jaceylkeygii kowaad ee aan si dhab ah u jeclaaday ma aanan calfanin maanta waa marwo sidoo kalena iyada iyo caruurteeda TV-yada ayay ka daawadaan barnaamijyadeyda kala duwan welina qalbiga kama aysan bixin!”

Pradeep horey wuxuu kaga soo muuqday filimada caanka ah Varudu, Atharintiki Daaredi, Julayi, iyo Bham Bhole Nath balse filimkiisa kowaad ee uu kaligiis hogaamiye ka yahay waa 30 Rojullo Preminchadam Ela oo xagaagan la daawan doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here