Home » Box Office » Jackie Chan filimkiisa The Foreigner iyo todobaadka kowaad lacagaha uu USA ka keenay

Jackie Chan filimkiisa The Foreigner iyo todobaadka kowaad lacagaha uu USA ka keenay

Waxaa si rasmi ah loo soo bandhigay Superstar Jackie Chan filimkiisa The Foreigner lacagaha uu hal todobaad gudaha USA Boxoffice kasoo xareeyay.

Sida shabakada Boxoffice Mojo soo daabacday The Foreigner todobaadkiisa kowaad wuxuu gudaha USA ka keenay $17.39M waxaana laga daawaday 2,515-tiyaatar.

The Foreigner ganacsi fiican ayuu USA Boxoffice ka sameeyay wuxuuna 40% ka sareeyaa lacagtii la qiyaasay marka hore inuu USA ka keeni karo ayadoo Jackie Chan uu muujiyay in weli shacbiyad uu ku leeyahay Waqooyiga Ameerika.

Filimka The Foreigner ganacsigiisa suuqyada caalamka wuxuu haatan marayaa $88.40M mana lagu garin ganacsiga uu hal todobaad ka sameeyay USA Boxoffice.

The Foreigner wadartiisa guud isku darka gudaha USA iyo daafaha caalamka haatan wuxuu soo xareeyay $105.79M waana filim Hit weyn ah madaama lagu qarash gareeyay $35M.