Home » Box Office » Jackie Chan iyo Pierce Brosnan filimkooda The Foreigner oo $100m ganacsigiisa gaaray

Jackie Chan iyo Pierce Brosnan filimkooda The Foreigner oo $100m ganacsigiisa gaaray

Jackie Chan iyo Pierce Brosnan filimkooda The Foreigner ayaa ganacsigiisa si rasmi ah u gaaray $100m isku darka gudaha USA iyo daafaha caalamka.

Filimka The Foreigner oo ay shirkada STXfilms iska leedahay waa Action iyo qayaano isku jiro wuxuuna masraxa USA Boxoffice ku cusbaa Jimcadii sidaa darteed sedexdii maalmood ee ugu horeesay wuxuu keenay $12.8 million wuxuu ka sare maray qayaastii ahayd inuu $10m ku bilaaban karo waxaana xusid mudan in filimkaan laga daawaday 2,515 tiyaatar sida shabakada Boxoffice Mojo xaqiijisay.

Sidoo kale dadka tiyaatarada usoo daawasho tageen gudaha USA filimka The Foreigner 59% rag ayay ahaayeen halka 41% ay dumar ahaayeen sidoo kalena 55% dadkaas da’dooda waxay ka sareesay 35-sano sida Boxoffice Mojo xaqiijisay sidaa darteed dadka waa weyn ayaa jecel daawashada aflaanta Jackie Chan.

Filimka The Foreigner haatan $100M ayuu suuqyada caalamka kasoo xareeyay waxaana lagu qarash gareeyay $35M taasi oo xaqiijisay inuu Hit yahay mashruucaan.

Marka laga hadlaayo suuqyada caalamka The Foreigner waxaa la saaray tiyaatara 30-kii September 2017 wuxuuna ganacsigiisa marayaa $88.4m, weliba ganacsigiisa ugu badan ka sameeeyay gudaha dhul weynaha China asigoo kasoo xareeyay $66m ka badan.

2 Responses to Jackie Chan iyo Pierce Brosnan filimkooda The Foreigner oo $100m ganacsigiisa gaaray

  1. HR

    October 16, 2017 at 11:34 am

    filimside aad iyo aad in badan ban idinka mahad celinayaa codsigayga oo aad ii aqbasheed mahadsanidiin

  2. HR

    October 16, 2017 at 11:36 am

    wxaad mar walba ku howlantihiin Haqabtirka bulshada idinku xiran hore u socda waligiin …. filimside