Home » Nolosha Jilaayaasha » Jackie Shroff”Waxaan Xidig Caan Ah Noqday Markii Amitabh Bachchan Caruurtisa Saxiix I Weydisteen”

Jackie Shroff”Waxaan Xidig Caan Ah Noqday Markii Amitabh Bachchan Caruurtisa Saxiix I Weydisteen”

Jackie Shroff waa mid kamid ah atoorayaasha loogu jeclaa 80-kii iyo 90-kii kaaso aflaam dadka ilaa maanta wada xasuustaan sameyay sido kalena xili waxaa jirtay daawadyaasha Jackie dartiisa tiyaatarada usoo aadi jireen.

Hadaba rugcadaana guusha usaaxiibka ahaa ayaa ka dhawaajiyay in uu caan noqday kadib markii caruurta Meg Star Amitabh Bachchn saxiix ka qaateen waana sida uu isaga isku arko.

Waxuu wareysi siinayey wrgeyska PTI waxuuna halkaas ku sheegay sheeko dadka ka qarsooneyd waxuu yiri,”waxaan aaday guriga mudane Bachchan in cabaar ah ayaan goobta kusugay maadama aan si walai ah u rabay la kulankiisa.”

“Shaqaalaha guriga ayaan weydiyay xiliga uu imaanayo maadama aan dhararay ama sugi waayey imaanshahiisa kadib waxaa ii yimaaden caruurta uu dhalay mudane Bachchan waxayna I weydiisten saxiix inaan siiyo oo waan siiyay balse waxaan ogaaday inaan noqday qof caan ah.”

“Sababto ah waxaan qirtay marba hadii caruurta Super Star-ka hindiya ugu weyn ay saxiix kaa dalbanayaan xaqiiq ahaan qof caan ah ayaad tahay ayaan iska dhaadhiciyay wanaa xiligaas xiliga aan dareemay inaan xidig ahay.”