Telugu Power Star Pawan Kalyan wuu soo laabtay kadib markii labadii sano ugu dambeesay dhanka siyaasada u batay haatana wuxuu saxiixday sedex filim oo si deg deg ah u sameenayo weliba lagu kalsoon yahay labo ka mid ah sanadkan gudihiisa in la daawan doono waana arin siweyn ugu taageerayaashiisa.

Haatan waxaa la ogaaday Director Krish oo Pawan Kalyan filimkiisa xiga u sameenayo inuu kulan la qaatay labada atirisho caanka ah ee Bollywood-ka ka tirsan Jacqueline Fernandez iyo Disha Patani wuxuuna kala hadlay sidii Pawan filimkiisa xiga midkood hogaamiye kaga noqon laheyd.

Pawan Kalyan filimkiisa weyn waxaa la ogaaday inuu fariin taariikhi ah xambaarsan yahay sidoo kalena labadan atirisho Jacqueline Fernandez ama Disha Patani middii firaaqo hesho ama doorka laga siinayo mashruucan ku noqdo ayuu shaashada jaceyl kula matali doonaa weliba sida ugu dhaqsiyaha badan ayay shaqada filimkan weyn u bilaaban doontaa.

Dhinaca kale Pawan Kalyan wuxuu sheegay in haatan filimkiisa 26-aad ee u hogaamiye ka yahay duubistiisa soo idlaan rabto waxaana mashruucan sheeko ahaan laga soo min guuriyay filimkii Pink ee sanadii 2016 Amitabh Bachchan iyo Taapsee Pannu wada sameeyeen. Sidoo kalena waxaa intaas u dheer in Pawan la shaqeyn doono Director Harish Shankar oo sanadii 2012 u sameeyay filimkii Blockbuster-ka taariikhiga ahaa noqday Gabbar Singh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here