Home » . » Jacqueline Fernandez Iyo Varun Dhawan Ma Waxay Isla Sameyn Doonan Midkood Judwaa 3 Ama ABCD 3!

Jacqueline Fernandez Iyo Varun Dhawan Ma Waxay Isla Sameyn Doonan Midkood Judwaa 3 Ama ABCD 3!

Judwaa 2 wuxuu ka mid yahay filimada sanadkaan bollywood abaarta ka saaray asigoo noqday super hit weyn oo si weyn loo soo dhaweeyey.

Judwaa 2 waxaa hogaamiye ka ahaa jilaaga sida jidka super star-nimo ku socdo Varun Dhawan waxaana la jilaayeen Jacqueline Fernandez iyo Taapsee Pannu halka director uu ka ahaa Varun aabihiisa David Dhawan.

Haddaba Varun Dhawan iyo Jacqueline Fernandez¬† ayaa baraha dadka calaamo su’aal ku reebay maadaama isla soo galeen sawir ku muujiyeen gacmahooda 3 waxaana saxaafada u fasirteen inuu filimka jidka kusoo jiro.

Saxaafada ayaana sheegay in Varun Dhawan iyo Jacqueline isla sameyn doonan midkood filimada taxanaha sida weyn loo jacel yahay waliba qeybtooda sedaxaad waan filimada Judwaa 3 ama ABCD 3.

Dhinaca kale Director Remo D’Souza ayaana xaqiijiyay in taxanahiisa ABCD laga sameyn dooo qeyb sedaxaaad waxaana loo badinaaya in Varun hogaamiye looga dhigi doona maadaama qeybta labaad asiga sameeyay.