Ka dib markii lagu dhawaaqay Saif Ali Khan iyo Arjun Kapoor inay kamidyihiin kooxda filimka majaajillada ah ee Bhoot Police, waxaa agaasimaha filmka oo udhaqaaqay dhanka Hablaha Filmka kumatali doona doorka Atariishanimo

Jacqueline Fernandez iyo Yami Gautam ayaa naqday dooqa filmkaan cabsi cabsida iyo shactirada isugu jira lagu matalayo . Filimkan waxaa caawinaya Pavan Kirpalani, waxaana soo saare ka ah Ramesh Taurani iyo Akshai Puri.

Soosaaraha Ramesh Taurani oo la wadaagaya fikirkiisa ku aadan jilayaasha, wuxuu yiri, “Bilowgii, waxaan aad u xiiseynaynay in Jacqueline iyo Yami ay ku soo biiraan kooxda filimkan. Labaduba waa aktariin cajaa’ib leh waana ku faraxsanahay inaan iyaga doorano.” Kooxda ayaa bilaawdy aasaaska filmka majaajillada-naxdinta leh, taas oo inta badan lagu duubi doono dhammaan Dharamsala, Dalhousie, iyo Palampur. “

Waxaan la tashaneynaa khubaro si aan u qorsheyno talaabooyinka amaanka ee kooxda. Waxaan hadafkeenu yahay inaan soo gabagabeyno boqolkiiba 80 filimka inta lagu jiro jadwalka banaanka. Qeybaha haray waxaa lagu duubi doonaa goob ku taal Mumbai,” ayuu raaciyay. Soosaaraha Akshai Puri ayaa yiri, “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan Yami iyo Jacqueline uwadano safarkan xiisaha leh ee Booliska Bhoot. Waxaan heysanaa koox dhalinyaro ah oo firfircoon dhamaantoodna aad ayey ugu faraxsan yihiin inaan si dhaqso ah u bilawno duubista.

” Aniga oo ku faraxsan arintaan, ayuu yiri agaasimaha Pavan Kirpalani, “Waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo Jacqueline iyo Yami. Tani waxay noqon doontaa wada shaqeyntii ugu horeysay oo aan la yeesho dhamaan kooxda jilayaasha ah. Waxaan u baahanahay inaa qof ku darsada filmkaan madadaalada leh .

” Shirkadaha ‘Tips Industries Ltd’ ayaa qeyb ka.ah filmkaan Bhoot Police, waxaa soo saaray Ramesh Taurani iyo Akshai Puri, waxaana daadihinaya Pavan Kripalani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here