Dadka caanka ah ee Bollywoodka ayaa si tartiib tartiib ah shaqadooda dib ugu soo noqonayaan. Jacqueline Fernandez ayaa ku soo laabatay goobta shaqada shalay si ay uduubto xayeysiinta astaanta daryeelka timaha.

Laakiin waalajoojiyay duubista kadib, markii laba shaqaalaha kamid ahaa lagahelay COVID-19. Jacqueline ayaa kusoo qortay Instagramka si ay ugu wargeliso taageerayaasheeda inay iyada iyo shaqaalaha kale ee gali doonaan Xanibaad walow iyada aanlagahelin. Jaky ayaa sooqortay,

“Dhamaantiin waad salaaman tihiin, waxaan bilawnay inaan qabano waxii caadiga ahaa oo aan dib ugu laabano shaqadeeni anagoo taxaddar muujineena, dhamaan shaqaalihii duubitaanka ayaa la baaray. Waxaan jeclaan lahaa inaan idinku wargaliyo in laba qof oo ka tirsan shaqaalaha duubista inlagahelay COVID-19. Waxaan dib uga dhacnay hadda duubista maadaama badqabka dadka uu yahay mid muhiimad gaar ah leh.

Labada xubnood ee cudurka qaba hada waa kuwa iskood u go’ay waana la daaweynayaa. Waxaan qaadayaa dhamaan tilaabooyinka amaanka ee loo baahan yahay waxaana si adag u raacayaa tilmaamaha. Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo saraakiisha BMC dhamaan caawimadooda iyo hagitaankooda. “


Dhanka shaqada Jacqueline Fernandez ayaa kasoo muuqan doonta Bhoot Police iyo Kick 2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here