Home » Nolosha Jilaayaasha » Jacqueline Fernandez Weli Wey Xasuusataa Xiligii Ay Kabal Yeeri (Waiter) Ahaan Jirtay

Jacqueline Fernandez Weli Wey Xasuusataa Xiligii Ay Kabal Yeeri (Waiter) Ahaan Jirtay

Atirishada reer Sri Lank ee Bollywood-ka ka tirsan Jacqueline Fernandez weli ma aysan hilmaamin shaqooyinkii qaar ay soo qabatay ka hor inta aysan Bollywood-ka kusoo biirin.

Jacqueline Fernandez ayaa taageerayaasheeda xasuus dheer galisay madaama ay soo bandhigtay sawiro ay ku mataleyso xiligii ay kabal yeeri ama waiter maqaayad ahaan ka jirtay.

 

Jacqueline Fernandez waxay tiri “Waxaan qabay jiray shaqo hal gelin ah anigoo Waiter/kabal yeeri ah markii aan 14-sano jiray, dhab ahaantii xasuustaas ayaan maanta dib usoo celiyay, bal dalabkaaga aan kaa qaado maanta!”

 

Dhinaca shaqada Jacqueline Fernandez waxaa tiyaatarada u saaran filimkeeda Judwaa 2 kaaso noqday Super Hit waana filim Classic ah madadaalo ahaan.

.