Filimka weyn Pagalpanti ugu dambeyntii waxaa laga soo bandhigay kaartooyin ama aragtiyo kala duwan oo u gaar ah hogaamiyaasha filimkan sida John Abraham, Anil Kapoor, Arshad Warsi, Ileana D’Cruz, Saurabh Shukla, Pulkit Samrat, Kriti Kharbanda iyo Urvashi Rautela.

Filimka Pagalpanti waxaa Director ka ah Anees Bazmee oo looga harey sameynta aflaanta arimaha qoyska oo shactiro iyo jaceyl lagu kabay wuxuuna caan ku yahay inuu horey u sameeyay filimada No Entry, Welcome, Ready, Welcome Back, Thank You iyo Mubakaran markaana Pagalpanti ayuu doonayaa inuu daawadayaasha iyo qoysaska ku jah wareeriyo.

Filimka Pagalpanti waxaa la daawan doonaa 22 Nov 2019 dhawaana goos gooska mashruucan iska daba wareega ah ayaa lasoo bandhigi doonaa waxaana intiisa badan lagu duubay London, Punjab iyo Mumbai.

Waxaan sugnaaba waa dhawaan goos gooska lasoo bandhigi doono ee xiisaha badan ayadoo filimkan John, Anil iyo Arshad isku heli doonaan dhanka shactirada iyo jah wareerka waana filim qoysaska loogu tala galay oo intiisa badan London lagu duubay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here