jamaahiirta turkida caradooda wey sii socotaa waxayna toogtaan ku dhaganyihiin soo saaraha taxanaha Hercai.

0
1170

Jamaahiirta turkida khaasatan daawadayaasha taxanaha Hercai ayaan dhawaan idiin sheegnay iney aad uga careysan yihiin qaabka loo wado taxanaha ayadoona xooga la saaray Aziza iyo Nasuh halkii xooga la saari lahaa Miran iyo Reyyan.

Sidoo kale jamaahiirta turkida ayaa markale weerar ku qaaday Directorka taxanaha oo lagu magacaabo Cem Karci ayagoona bogiisa Twitterka ku weeraray si lamid ah kanaalka baahiyaha taxanaha ee ATV waxayna ku heystaan muuqaalada akshanka ee taxanaha sida weyn loogu xardhay ayagoona Directorka xusuusiyay in taxanaha uusan aheyn mid akshan ah.

Jamaahiirta ayaa sidoo kale sheegay in hadii akshan iwm daawashadiisa rabaa ay daawan lahaayeen taxanaha Cukur oo dagaal ah balse aysan dagaalkaas iyo qalqalkaas rabin sheekadana aaanan akshanka laga badinin.

Waxaan sugnaaba waa jawaabta ay bixin doonaan kooxda filimka iyo hadii xalqooyinka soo socdo isbadal sameyn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here