Jamaahiirta turkida oo baraha bulshada ku jeexjeexay Tuba Buyukustun iyo sababta ka dambeysay. sawiro.

0
999

Tuba Buyukustun waxay kamid tahay atariishooyinka loogu jecelyahay gudaha turkida sidoo kalana saxaafada ay markasta dabagal ku sameyso waxna ka qoraan.

Hadaba isbuucaan Tuba iyo xabiibkeeda Umut Evirgen ayaa waxaa laga soo qabtay sawiro xili ay shoping u joogeen mid kamid ah suuqyada Istanbull waxayna saxaafada halkaas ku weydiisay su’aalo dhowr ah balse wax jawaab kama aysan bixin weyna iska sii socdeen.

Balse saxaafada waxaa halkaasi ugu suurto gashay iney sawiro kasoo qaadaan kadibna sawiradii ayaa baraha bulshada lasoo galiyay waxayna Tuba wadatay kabo dadka ka yaabiyay kuna dheelay stylkeeda isla markaasna hadal heyn noqday.

Tuba ayaa soo xiratay kabo madow waxayna kahoos wadatay iskaarsho sidoo kale madow oona gaaban waxayna dadka fashionka falanqeeyo ku tilmaameen in stylkaan uu raga u khaas yahay waana arinta keentay in Tuba baraha bulshada looga maadsado.

Hadaba akhristow adigaba indhahaada ku arag kadibna qiimeyn ku sameey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here