Jamaahiirta Turkida oo careysan kadib goosgooskii xalay laga soo bandhigay taxana Hercai. Maxaa dhacay tolow?

0
5256

Taageerayaasha turkida ee ku taxan taxanaha Hercai ayaa lagu soo waramayaa iney aad u careysan yihin sabab la xiriirta goosgooska labaad ee xalqadii 15aad laga soo bandhigay waxayna jamaahiirtani ka careysanyihiin arinta Aziza iyo Nasuh.

Jamaahiirta ayaa is weydisay hadii taxanaha ay u daawanayaan Aziza iyo Nasuh oo ay hogaamiye ka yihiin mise Miran iyo Reyyan.

Jamaahiirta ayaa sidoo kale ka careysan muuqaalada tirade badan ee labadooda taxanaha ku leeyihiin si lamid ah sheekadooda aan dhamaadka laheyn iyo sirta u qarsoon taasoo aanan wali banaanka lasoo dhigin inkastoo laga sii talaabayo xalqada 15aad.

Jamaahiirta ayaa sidoo kale soo saarayaasha taxanaha xusuusiyay in taxanaha ay hogaamiyayaal ka yihiin Miran iyo Reyyan balse aysan hogaamiye ka aheyn Aziza iyo Nasuh.

Jamaahiirta turkids ayaa doonayo in la badiyo diiradana la saaro sheekada Reyyan iyo Miran halkii duqooshinkaan aan sirtooda dhamaan lagu meereysan lahaa.

Hadaba akhristow adiga maku raacsantahay jamaahiirta turkida cabashadooda?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here