Jamie Carragher oo sheegay sirta ka dambeyso guulaha Liverpool iyo Manchester City iyo sida United booskooda ku gaari karto.

0
537
November 8, 2018 - Turin - Jamie Carragher during the UEFA Champions League Group H match at the Juventus Stadium, Turin. Picture date: 7th November 2018. Picture credit should read: Jonathan Moscrop/Sportimage. via PA Images (Credit Image: © Jonathan Moscrop/PA Wire via ZUMA Press) (Newscom TagID: zumaamericastwentytwo351132.jpg) [Photo via Newscom]

Falanqeeya Sky Sports sidoo kalana ah halyeyga kooxda Liverpool  Jamie Carragher ayaa sheegay sababta keentay guulaha kooxaha Liverpool iyo Manchester City.

Carragher ayaa yiri; “ labo sano kahor waxaan dhahay hadii Guardiola loo magacaabi lahaa tababaraha Kooxda Manchester United waqti dheer ma aysan sugi laheyn ku guuleysiga Horyaalka EPL”.

Asigoona hadalkiisa sii wato ayuu yiri; “ Hadalkaas aan dhahay maalintaas waxaan sidoo kale dhahayaa maanta hadii Jurgen Klopp uu noqon lahaa macalinka kooxda Manchester United waqti dheer ma uusan sugi laheyn sidii uu kooxdaan kula guuleysan lahaa Horyaalka EPL haduuna maanta macalin u ahaan lahaa jadwalka kala sareynta sidaan ma ahaadeen”.

Hadalka Carragher ayaa loo qaadan karaa inuu kala jeedo in guulaha ay gaarayaan kooxaha Liverpool iyo City ay sabab u yihiin macalinimiinta Pep iyo Klopp isla markaasna ay yihiin farqiga u dhaxeeyo kooxaha United City iyo Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here