Atirishada dhalinta yar Janhvi Kapoor ayaa qof kasto u mahad celineyso sidoo kalena aad u kala bad badatay kadib markii ay soo gaareen kumanaan fariimo kala duwan oo ku aadan in lagu amaanayo doorkeeda filimkeeda cusub Gunjan Saxena oo goos goos cajiib badan laga soo bandhigay.

Gunjan Saxena waxaa laga hadlayaa gabadhii dagaalkii Kargil ee Hindiya iyo Pakiskan dhex maray ka qayb qaadatay ayadoo duuli dagaal ahayd waxaana doorkaas mataleyso Janhvi Kapoor mashruucan fariinta dagaalka wadaniga xambarsan goos gooska laga soo bandhigay qof walbo ayaa ka helay si gaar ahna bandhiga Jhanvi ayaa weli la hadal hayaa.

Filimka Gunjan Saxena waxaa laga daawan doonaa barta Netflix 12 bishan August waxaana soo saare ka ah Karan Johar oo filimkan go’aansaday in si Online ah loo daawado madaama tiyaatarada Hindiya weli xiran yihiin lana ogeyn xiliga dib loo furi doono.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska filimka Gunjan Saxena oo soconaayo 2-daqiiqo iyo 41-ilbiriqsi waxaana sidoo kale doorar muhiim ah filimkan xiisaha badan ku leh jilaayaasha ay ka mid yihiin Pankaj Tripathi, Angad Bedi, Manav Vij, Ayesha Raza iyo Viineet Kumar Singh:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here