Atiriishada caanka ah Janhvi Kapoor ayaa dhex dabaalaneysa xiligeeda ugu wanaagsan shirkada Bollywoodka ileen sanadkii hore ayee Bollywoodka timid kuna so caan baxday Filimka Dhadak ee Hit-ka noqday.

Wixii filimkaas ka dambeyay magaceesa daafaha caalamka ayui gaaray waxaana goob walba laga hadal qaaday gabadhio Sridevi ayaa fanka soo gashay taageerayaal fara badan ayeena yeelatay.

Xidigtaan marwalba oo ay banaanka wax ka doonato waxaa daba joogaan saxaafada oo sawiro ka qaataan muuqaalana ka duubtaan sida ay aalaba yeelaan marka jilaa fanka kucusub yahay.

Dhowaan iyadoo wax ka iibsaneysa Dukaan caan ah oo magaalada ku yaalo intii ay gudaha kujirtay ayaa dukaanka hortiisa lasoo buux dhaafiyay Ragg iyo Dumae Caruur iyo Ciroole si loo daawado gabadhaan yar ee dhalaalka badan dabagaab ama dhar gaaban ayeena wadatay.

Markee soo baxday halmar ayaa lagu xoomay caruurta ayaana ugi horeyeen waardiyaheeda halmar ayee baraarugeen dhinac walba in gabadhii ay ka difaacan ayee bilaaween balse Janhvi Ragg dhalinyaro ah ayaa ka faaidestee sida la sheegay oo si qarsoodi ah jirkeeda ku taabteen dhowr jeer ileen meesha waa la buuxay waana la is dar daraayey.

Kaamiristayaalka xitaa muuqaalka sifiican wey u duubi waayeen cariiri aawgii waxaa la sheegay xidigtaan in la taabtay mana ahan markii ugu horeysay dhacdadan ku dhacdo Janhvi iyo atiriisho kaleba cariiriga iyo goobaha bulshada dad ayaa ka faaidestaan anshax-xumana ku kacaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here