Taxanaha Naagin ee Ekta Kapoor iska leedahay waa mid dunida waqtigaan si weyn looga jecel yahay gudaha India warkeed daa waana taxano lasoo dhaweeyay kana hadlaayo gabar mas noqoneysa marna Bini’adam noqoneysa taaso ka aargoosaneysa dadkii khaladka ka galeen mudo kahor.

Qeybtiisa afaraad ama Naagin 4 ayaa hader Tv-yada laga daawada waana mid siweyn loo soo dhaweeyay waxaana wada hogaaminayeen Nia Sharma, Jasmin Bhasin iyo Sayantani Ghosh si heer sare ah ayeena wax walbo kusocdeen balse sinlama filaan ah waxaa soo galeen taxanaha atiriishooyinka kala ah Anita Hassanandani iyo Surbhi Jyoti oo qeybihii hore kujireen.

Markee arinkaas dhacday waxaa la sheegay warar ah in Jasmin isaga baxeyso taxanaha gabi ahaantiisaba maadama hogaaminta lagala wareegay doorkeedana aad u yaraaday balse atiriishadan ayaaba shaaca ka qaaday inee isaga baxeyso taxanahaan guud ahaantiisa.

Xidigtaan oo wareysi bixineysay ayaa arinkaan la weydiiyay waxayna sheegtay in run tahay oo ay ka baxday taxanaha waxayna tiri iyadoo hadleysa,”heshiiska ayaa intaas ku ekaa maadama qorshaha ahaa ilaa intaas inaan duubo taxanaha qeybtii aan kulahaana waa dhamaaday sidaas ayaana oga baxay taxanaha balse ma ilaawi doono doorkeyga Nayanthara iyo dadkii aan lawada shaqeeyay dhamaan waana ku faraxsanahay inaan taxanaha Naagin kasoo muuqday.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here