Wixii caawa ka bilaawata si joogto ah ayaad webka Filimside iyo kanaalka Filimside Media kala socon doontaa taxanaha Naagin 4 oo bilaawday hadaba hordhaca iyo macluumaad ku saabsan taxanahan hoos ka akhriso:

Jilayaasha ugu waaweyn ee taxanaha Naagin 4 hogaaminayaan iyo mid walba doorka uu kujilaayo:

Vijayendra Kumeria: waxuu kujilaa doorka Dev Parikh waa qofka ugu muhiimsan qoyska Parikh iyo wiil daacad ah oo qoyskiisa jecel naftiisana u huri kara.

Jasmin Bhasin: waxay kujilee gabar mas ah oo awood badan taaso aabahed iyo ehelkeeda dhanka aabo laga dilay waana 25 jir dooneyaa inee ka aargoosato qoyska reer Parikh oo xubno katirsan ehelkeeda dileen waxaana loogu yeeera magaca Nayanthara.

Nia Sharma: doorka Brinda ayee kujilee waa gabar dagan oo u adeegta qoyska Parikh si gaar ah waxay daryeesha ayeeyada qoyskaas ugu weyn oo da’ ah waa gabar daacad ah oo wanaaga jecel marwalbana qoyskan utaagan har iyo habeen iyada iyo hooyadedba halkaas ayee ku nool yihiin ilaa yaraantedana caruurta qoyskaas ka dhalatay sida Dev ayee isla soo koreyn.

Ankit Bathia: magaciisa uu taxanaha kujilaayo waa Rajat waa nin mas ah oo kasoo jeeda qabiilka Sheshnag oo waxay isku qabiil yihiin dhanka maska Nayanthars oo aargoosi wadato balze isaga waxuu jecel yahay Brinda mana la oga inuu mas yahay waliba Brinda inuu guursado ayuu rabaa iyada raali ayee katahau qoyskana wey u ogolaadeen.

Sayantani Ghosh: Manyata ayee kujile door ahaan waxay dhashay Nayanthara (Jasmin) waxay ahaan jirtay mas awood badan horteeda ayaa lagu dilay ninkeeda iyo ehelkiisa waxna wey u qaban weyday gabadheeda ayee barbaarisay si ay oga aar gudato cadowgeeda oo qoyskan kujiraan iyada iyo gabadheeda wey iskaashanayaan.

Dev hooyadiis iyo ehelka xubno kale katirsan oo ilaa 4 qof ama 5 qof gaarayaan ayaa godob ka galeen Nayanthara oo aabahed ka dileen iyo ehelkiisa waana sababta gabadhaan maska ah u ugaarsaneyso qoyskaan.

Sidee ku dhalatay Nayanthara maxaase loo dilay qoyskeeda, yee rabtaa inee marka kowaad disho iyo macluumaad kale kaga bogo xalqada kowaad ee aan habeen dambe idiin so turjumi doono ileen caawa hordhaca taxanaha ayaan idin siinay habeen walba si joogto ah kanaalkeena Filimside Media kala soco saacada markee ku beegantahay 9:00pm xiliga geeska africa….

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here