Shaashada waxay ku jileen wiil iyo hooyadiis mana la ilaawi doono bandhiga filimkooda Kabhi Khushi Kabhie Gham sido kale nolosha dhabta ah Shah Rukh Khan qoyska Bachchan waxuu ka dhigtaa qoyskiisa oo kale.

Waa sababta SRK willkiisa yar ee Abram Khan uu u maleeyo in Big B awoowgiisa yahay hadaba waxaa dhacday In marwo Jaya Bachchan oo ah Abhishek hooyadiis iyo Big B xaaskiisa ay hada kahor ka carootay SRK nolosha dhabta ah.

Waxay ahed sanadkii 2008 xiligaaso dagaal kulul uu dhexmaray Shah Rukh Khan iyo Salman Khan mar ay wada joogeen xaflada dhalasho ee Katrina Kaif waana dagaal caan ah oo la isku gacan qaadi lahaa balse afka waxba la iskuna reeban.

Waxaa la sheegay in SRK goobta ku aflagaadeyay waxna kaga sheegau Salman saaxiibtiisa hore ee Aishwarya Rai oo xiligaas ahed xaaska Abhishek Bachchan kadibna SRK ayaa ku ceeboobay qoyska Bachchan iyo Aish oo ay xushmad ka dhaxeysay.

Jaya Bachchan ayaa mudo kadib wareyso Tv-yada bixisay waxaana lqgu soo hadal qaaday dhacdadaas iyo SRK aflagaadadii uu u geestay Aish iyo dareenkeeda sida uu noqday waxayna tiri.

“Waan ka xumaaday run ahaantii waana ka xanaaqay SRK hadii uu xiligaas horteyda joogi lahaana waan dhirbaaxi lahaa sida wiil aan dhalay oo aan canaananayo oo kale ileen wax xun ayuu ku hadlay.”

“Maxaan sameeya waan u jilcanahay dhankiisa maadama marhore aan oa dhigtay wiilkeyga oo kale waana qeyb kamid ah qoyskeena khaladkii uu galayna waan kawada heshiinay dhamaan qoys ahaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here