Jeestoole waa soo laabtay iyo filimka Darbar maalinta koowaad ganacsigii uu sameeyay oo afka lawada heysto.

0
1358

Filimka Darbar waxaa hogaamiye ka ah Mega Star Rajinikanth waana filim Action madadaalo dhameystiran leh waxaan tiyaatarada la saaray shalay oo khamiis aheyd.

Filimkaan ayaa shalay ku furmay 76% wuxuuna xalay fiidkii gaaray 90% asigoona waliba ku furmay nadaamka loo yaqaano Bumper Opening taasoona ka caawisay in filimkaan ganacsi taariikhi sameeyo insha’allah rikoorada uu filimkaan dhigay dib ayaan idinkala wadaagi doonaa balse haatan aan lacagtiisa idinla wadaagno.

Filimka Darbar ayaa soo xareeyay gudaha India maalintii shalay aheyd 46 crore waana canshuurta kahor ayadoona markii canshuurta laga reebo ay lacagtaas noqoneyso 42.70 crore.

Sidoo kale filimkaan ayaa daafaha caalamka maalintii shalay aheyd ka keenay 24 crore nadiif ah waana ganacsi aan caadi aheyn ayadoo isku dar dal iyo dibad canshuurta kahor uu filimkaan shalay kaliya keenay 70 crore qiyaas ahaan.

FG; Lacagahaan waa kuwa qiyaas ah wali lama soo saarin lacagihii rasmiga ahaa ee filimkaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here