Dagaalka iyo xifaaltanka atiriishooyinka waa mid soo jireen ah Sridevi iyo Jaya Prada waxay kamid yihiin atiriishooyinkii bari samaadkii ee sida weyn isku necbanaan jireen xifaaltan iyo dagaal weyn uu ka dhaxeyn jiray.

Labadoodaba Koonfur India ayee ka imaadeen Bollywoodkana halmar ayee wada imaadeen fagtii hore Jaya Prada ayaa xidignimo guulo ku hormartay halka Sridevi Filimadeeda ugu horeyeen Bollywood guul dareesteen.

Balse Sridevi guusheeda ugu horeysay iyo xidignimadeeda waxay heshay markee bilawday inee la shaqeyso Superstar Jeetendra xiligaas ayaana Jaya awood ahaan iyo maqaam ahaanba la dhaafay hadaba Jeetendra waayo badan ayuu goob joog usoo ahaa isaga iyo wiilkiisa ayaana ka qeyb galeen barnaamijka The Kapil Sharma Show.

Waxaana la weydiiyay in waligiis uu qol kusoo wada xiray Jaya Prada iyo Sridevi waxuuna ku jawaabay,”ma aniga ayaa waalan markaan sidaas sameynaayo waligey ma sameynin sababto ah hadaan sameyn lahaa labadooda oo nabad qabaan qolkaas nabad ogama soo baxeen midkood ama labadoodaba oo waxyeelo la gaarsiiyay ayee soo bixi lahaayen.”

Kadib waa lawada qoslay tani waxay ka dhigantahay atiriishooyinkan inee aad isku necbanaayen oo xitaa labadooda halmeel looga wada tagi karin balse markee soo weynaadeen wax walbk wey hilmaameen weyna heshiyeen kahor inteysan Sridevi geeriyoon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here