Jennifer Lopez hadii ay Millioner tahay xitaa huudheyda iskama dhaafi karto miyaa? Sawiro.

0
1294

Fanaanada Jennifer Lopez waa mid kamid ah fanaaniinta loogu jecelyahay aduunka sidoo kalana waa atariisho inta badan jisho filimada Romantic Commedyga ah ayadoona labada heerba guulo la taaban karo ka gaartay.

Fanaanadaan oo hantideeda lagu qiyaasay iney ka badantahay 400 Million dolar sidoo kalana hantida khadiibkeeda ay dhawaan guursan doonto lagu sheegay 800 Million dolar ayaa hadana lagu arkay isbuuc dhamaadkaan maalintii shalay ayadoo ka faa’ideysaneyso suuqa qiimo dhimista sanadka cusub.

Markii uu sanadka cusub soo dhawyahay waxaa dhacdo in shirkada qaar agabkooda qiimihiisa hoos u dhigaan sanadka cusub dartiis waana arin ay ka faaideysaneysay shalay atariishadaan ayadoona suuqa u kaxeysay labadeeda cunug ee mataanaha ah waxayna soo iibsadeen dhar iyo agabyo kale oo muhiim ah.

Saxaafada ayaana atariishadaan wax ka qortay maadaama ay tahay Millioner hadana suuqyada raqiiska ah ka faaideysaneyso ayay layaab ku noqotay arinkaan.

Halkaan hoose ka arag sawirada;

جينيفر لوبيز

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here