Srikanth waa atoore koonfur India kasoo jeedo waxuu ka howl galaa Filimada Telugu sameyaan oo uu inta badan kasoo muuqday waana jilaa caan ka ah dhulweynaha Hyderabad.

Xidigaan aabihiis ayaa xalay galinkii dambe geeriyooday waxuuna ahaa 71 jir mudadii 4-bilood u dambeysayna wuu xanuunsanaa sambabka ayuu ka bukay sida la sheegay ugu dambeyn xalay gelinka dambe ayee nafta ka baxday.

Srikanth aabihiis waxaa lagu magacaaba Meka Parameswarao waxuuna ifka kaga tagay xaaskiisa Jhanvi, wiilashiisa Srikanth iyo Anil lakala dhaho iyo waliba gabar Nirmala lagu magacaabo.

Maanta ayaa tacsi loogu dhigay deegaankiisa waliba 2:00pm ama hal saac kahor ayee ahed qorshaha in la gubo meydkiisa jilayaasha koonfur India badankood ayaana ka qeyb galeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here