Taxanaha hindiga ee jaceyl dilaa ma noqdaa wuxuu kamid yahay taxanayaasha ugu badan ee laga daawaday gudaha wadankeena soomaaliya iyadoona taxanahaas atariisho koowaad ka aheyd gabadha lagu magacaabo Aalisha Panwar iyadoona labo door ku mataleysay.

Hadaba waa tuma Aalisha Panwar?

-Aalisha waxay dhalatay sanadkii 1996dii 7dii May waana kaliya 23 jir.

-Aalisha waxay la nooshahay hooyadeed aabaheed iyo walaasheed.

-Jilayaasha ay Aalisha Panwar ka taageerto Bollywoodka waa Shahrukh Khan iyo Salman Khan.

-Aalisha ayaa hiyaawadeedu tahay Danciga iyo wax akhriska.

-Aalisha wadanka ay aduunka ugu jeceshahay waa France gaar ahaan caasimadiisa Paris.

-Aalisha Fanka iyo jiliinka markii ugu horeysay waxay bilowday sanadkii 2012dii ayadiina waqtigaas aheyd kaliya 16 jir.

-Aalisha doorkeedii ugu fiicnaa waxay kusoo bandhigtay taxana soomaalida u taqaano Jaceyl dilaa ma noqdaa.

-Aalisha ayaa taxanahaas qeybtiisa koowaad ku mataleysay labo door (Aaroohi iyo Taaraa) kaasoo mid kamid ah ay laadarad aheyd.

-Midabka madow iyo Rooseesatada guduudan iyo iney leedahay waji dilaa ah oo aan nixin waa waxyaabaha ugu badan ee lagu xusuusan doono Aalisha doorkeeda taxanaha Jaceyl dilaa ma noqdaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here