Abhishek Bachchan ayaa lawadaagay Muuqaal Video ah oo uu ku muujinayo sida uu ugu mahadsan yahay qof walba oo u rajeeyay inuu si dhaqso leh uga soo kabto COVID-19 xidigaan ayaana dhawaan ka soo bogsaday cudurka Coronavirus, Aktarka ayaa laga soo saaray isbitaalka Nanavati sabtidii lasoo dhaafay.

Wuxuu la wadaagayay Baaritaan cusub uumaray sabtidii kadib caafimaadkiisa taageerataasha uu kuleeyahy Instagram iyo Twitterka muuqaal ayuusoo dhigay bartiisa Twitter-ka si uu ugu mahad celiyo qof kasta oo u duceeyay caafimaadkiisa.

Jilaaga ayaa sidoo kale la wadaagay fariimaha ay usoo wada direen jilayaasha kale sida Riteish Deshmukh, Neil Nitin Mukesh iyo inbadan. Wuxuu yiri “Ereyo kuma qeexi karo (qaabkaan idiin kugu mahadcelin lahaa) waad mahadsantihiin in badan” Isagoo hadalkiisa sii wata waxuu yiri jilaagan,”waxaan u mahadcelinayaa dhamaan taageerayaasheyda iyo inta ii rajeysay si deg deg inaan kusoo caafimaado aadbaan ugu bogaadiyay qalbigana ku qaboobsaday qoraaladiina ka muuqda jaceylka aad ii qabtaan in badan mahadsanidiin waan idinka qabaa.”

Dhanka kale, Abhishek ayaa ahaa qofkii ugu dambeeyay ee laga sii daayo isbitaalka kadib markii laga helay tijaabada cudurka COVID-19. Xaaskiisa Aishwarya Rai Bachchan, gabadhiisa Aaradhya iyo aabahiis-megastar Amitabh Bachchan ayaa sidoo kale ku dhacay cudurka dilaaga ah waana ay soo kabsadeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here