Jilaaga door walba sameyn karo Boman Irani oo 61 jirsaday iyo sawir khaas ah oo uu taageerataashiisa la wadaagay

0
546

Boman Irani inkastoo uusan filimada door hogaamin ku matalin hadana wuxuu kamid yahay jilayaasha ugu fiican ee doorka caawinta matali karo.

Markii ay tahay shactiro ama laadarnimo labada doorba isku mid ayuu u jilaa, asigoona horay u jilay filimo aan xisaab laheyn, waxaana ka xusi karnaa filimada uu kasoo muuqday Hey Babby, Don, Housefull afartiisa qeyb, iyo filimaan kale.

Hadaba jilaagaan ayaa maanta 61 jirsaday asigoona akoonkiisa Instagramka soo dhigay sawir uu ugu dabaal dagaayo dhalashadiisa waana xili uu aad u yaraa, waliba baaskiil uu saaranyahay wuxuuna sawirka kusoo dul qoray;

“Farxadii aan dareemay lixdamaadkii markaan Baaskiilka saarnaa xili dhalashadeyda aheyd mid lamid ah ayaan dareemayaa maanta oo aan 61 jirsaday, waad ku mahadsantihiin jaceylka aad ii muujiseen iyo hambalyada aad iisoo dirteen”.Boman Irani oo mudadii Lockdownka lagu jiray aanan marnaba gurigiisa kasoo bixin ayaa maanta soo baxay si uu dhalashadiisa ugu dabaal dago asiga iyo xaaskiisa oo qura.

Halkaan ka arag sawirka;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here