Jilaaga Hollywoodka Johnny Depp oo la suurad xumeeyay.

0
898

Johnny Depp waxaa lagu tiriyaa mid kamid ah xidigaha ugu muhiimsan uguna caansan aduunka wuxuuna dadweynaha kusoo jiitay doorarkiisa cajiibka ah ee uu filimada kusoo bandhigo.

Balse Johnny Depp ayaa haatan marxalad xun bartanka kaga jiro asigoona xidigaan astaantiisa xidignimo ee Hollywood la suurad xumeeyay sida aad sawirka ka arki kartaan.

Johnny Depp oo ay sumcadiisa dhulka gashay kadib markii ay kala tageen xaaskiisa Amber Heard ayadoona ku eedeysay inuu jirdili jiray arintaasoona maxkamad loosoo taagay.

Johnny ayaa intii arintaas suuqa ugu jirtay maxkamadana uu saarnaa mashaariic fara badan ka baaqdsadeen balse markii dambe wax cadeyn ah lagu waayay.

Johnny ayaa kadib maxkamada iyo xaaskiisa hore ka dalbaday magdhow 50 Million oo dolar maadaama laga been abuurtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here