Jilaaga caanka ah Shaam iyo 11-qof kale ayaa isniintii xabsi la dhex dhigay sabab la xiriirta inee qamaar Online ah ciyaareen si sharci daro ah halkaasna lacago badan lagu cunay booliska ayaana shaaciyeen arinkaan waxay kaloo wacad ku mareen inee baaritaanka sii wadi doonan maadama meelo kale loo tilmaamay.

Jilayaal kale oo reer Tamil ah ayaa farta lagu fiiqay, waxaa la sheegay Shaam guriga uu ka degenee dhismo ku yaalay magaalada Chennai in lagu qabanaayey xaruna u ahed ciyaaro lagu cunaayey qaab qamaar ah sharcigana waafaqsaneen waxaa la sheegay in Online ahaan qamaarka loo ciyaarayey lacagahana la isku xawilaayey maadama Corona jiray oo aan la isku imaan Karin.

Taasi waxay sababtay inuu is dilo wiil arday ah oo aan wali qalin jabinin waxuuna lumiyay lacago gaarayaan 20K Rupees oo qamaarka looga cunay kadibna niyad jab ayuu isku dilay maadama lacagta goob shaqo uu kasoo ammaahday.

Booliska waxay sheegen in hoteelada qaar ee Corona-ha dadka lagu daaweyo xitaa qamaar lagu ciyaaro qolalka qaarkood arinkaasna ay dabagal ku hayaan waxaana laga cabsi qabaa xidigo caan ka ah Tamil in lasoo xiro maadama looga shakiyay arinkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here