Jilaaga weyn ee reer Talugu Nagarjuna Akkineri oo gurigiisa laga helay meydka nin 30 jir ah iyo booliska oo arinta gacmaha kula jira. Sidee wax u dhaceen?

0
603

Booliska India ayaa helay meydka nin 30 jir ah kaasoo yaalay gudaha dhul uu leeyahay jilaaga weyn ee reer Telugu Nagarjuna Akkineri maalinimadii shalay aheyd sida warbaahinta India qortay.

Dhulka laga helay meydka ayaa waxaa milkiyadiisa iska lahaa jilaaga Nagarjuna waxayna aheyd horaantii bishaan markii xaaskiisa booqasho ku tagtay xili aanan in mudo ah la adeegsanin waana dhul beereyd masaaxadiisu weyntahay.

Koox beeraleey ah oo meesha ka dhaweyd ayaa meydkaan usoo uray kadibna markii ay arkeen waxay ku wargaliyeen booliska iyadoona booliska goobta yimaadeen isla markaasna baaritaan meesha ka sameeyeen.

Ninka is dilay oo 30 jir ahaa ayaa sida booliska sheegeen isku dilay guri yar oo dhulkaasi ku yaalay ayadoona dilkiisa qofna lagu eedeynin.

Dhanka shaqada jilaaga Nagarjuna ayaa ku mashquulsan soo jeedinta barnaamijka Bigg Boss Telugu 3 asigoona filimkii ugu dambeeyay ee uu kasoo muuqdo ahaa Manmadhudu2.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here